Biyahaaga: Nabdoon oo la heli karo inta lagu jiro xiisadda COVID-19 (Somali)
Portland Biyaha qasabadaha waa ammaan in la cabbo.
Biyuhu way sii socon doonaan.
Waxaan bixinnaa kaalmo dhaqaale.
Waxaan halkaan joognaa hadaad noo baahato.
Portland Biyaha qasabadaha waa ammaan in la cabbo.
Biyaha tubbadaadu waa badbaado in la cabbo. Habka daaweynta biyaha ayaa diley microbes, oo ay ku jiraan fayras. Biyahaagu waa amaan in la cabo inta lagu jiro xiisadda COVID-19.
Su'aalaha tayada biyaha: 503-823-7525 WBWaterLine@portlandoregon.gov (Tarjumaad iyo turjubaan ayaa la heli karaa.)
Biyuhu way sii socon doonaan.
Waxaan wadnaa nidaamku inuu socdo. Kama xiri doonno biyahaaga haddii lacag lagaa waayo. Mararka qaarkood adeegga biyaha ayaa lagu carqaladeeya tuubooyinka biyaha ka dhaca ama shaqada dayactirka. Haddii aan ogsoonahay inaan u baahan doonno inaan si ku meelgaar ah u xirono biyahaaga si aan uga shaqeyno nidaam shaqo, waanu kuu soo sheegi doonnaa.
Waxaan bixinnaa kaalmo dhaqaale.
Waxaad awoodi kartaa inaad hesho biil dhimis ama foojar lacag bixiyaha ah. Kooxdayada Adeegga Macaamiisha ayaa si adag ugu shaqeynaya inay ka jawaabaan su'aalaha. Waxaan joogteynaynaa mashquulinta goobta shaqada, sidaa darteed waxaan haysannaa shaqaale tiro yar oo ka shaqeeya sidii aan caadiga ahayn. Waxaad ubaahantahay inaad sugto wax kabadan sidii caadiga ahayd si aad ulahadasho wakiil.
Waxaan halkaan joognaa hadaad noo baahato.
Su'aalaha biilka: PWBCustomerService@portlandoregon.gov 503-823-7770 (Tarjumaad iyo turjubaan ayaa la heli karaa.)
Su'aalaha ku saabsan tayada biyaha ama cadaadiska biyaha? 503-823-7525 WBWaterLine@portlandoregon.gov (Tarjumaad iyo turjubaan ayaa la heli karaa.)
Xaaladda degdegga ah ee biyaha: 503-823-4874 24 saac maalintii, 7 maalmood usbuucii