Skip to Main Content View Text-Only

The City of Portland, Oregon

Portland Bureau of Transportation

Phone: 503-823-5185

Fax: 503-823-7576

1120 SW Fifth Ave, Suite 1331, Portland, OR 97204

More Contact Info

Ogeysiinta Takoor La'aanta Magaalada Portland

Magaalada Portland waxay ku shaqeysaa sida wafaaqsan Qodobka VI ee Xeerka Xaquuqda Rayidka ee 1964, Xeerka Curyaannimada  Ameerikaanka,, Cutubka ORS ee 659 A, Qodobka 23 iyo Sharciyada kale ee la xiriiro iyo  qaynuunada,  sida in qofna aan laga reebi karin ka qaybgalka, aan loo diidi karin faa’idooyinka, ama aan lagu takoorin barnaamijka walba oo Magaalada ah, adeegq ama howlaha ku salaysan qowmiyad, midab, asal dhalasho, aqoonta Ingiriiska, curyaannimada, jinsiyada, da'da, diinta, dooqa galmada, aqoonsiga jinsiga, marxalada guurka ama qoyska, ama ilaha dakhliga. 

Magaalada Portland sidoo kale waxay  u baahan tahay in qandaraaslayaasheeda, ganacsatadeeda iyo dadka deeqda au ushaqeeyaan sidoo kale. 

Si loogu caawiyo xaqiijinta heelitaanka barnamiijyada Magaalada, adeegyada, iyo howlaha, Magaalada Portland waxay si macquul ah: siisaa turjumida luuqada iyo fasiraadda shaqsiyaadka aan garaneynin aqoonta Ingiriisiga; bedellada sharciyada iyo nidaamyada; iyo, waxay bixisaa qalabyada curyaanka, adeegyada iyo/ama qaabab kale ee dadka curyaanka ah. 

Si looga codsado hoy, bedellida, turjumida, fasiraadda ama adeega luuqada; gudbinta cabasho; ama warbixinta dheeraad ah oo  ama su'aalaha ku saabsan Qodobka VI ee Xuquuqda Rayidka iyo ADA arrimaha Qodobka II (qowmiyad, midab, asal dhalasho, aqoonta Ingiriisiga, iyo takoor la'aanta curyaannimada  barnamiijyada bulshada Magaalada, adeegyada, howlaha): la xiriir Qodobka   Xuquuqda Rayidka VI iyo Maamulaha Barnamiijka Qodobka II ee ADA adigo wacaya teleefonka  503.823.2559, TTY ee 503.823.6868, ama Adeega Iskuwareejinta Oregon adigo wacayo 711.

Magaalada Portland waxay ku shaqeysaa sida wafaaqsan Qodobka VII ee Xeerka Xuquuqda Rayidka, Qodobka I ee ADA, iyo sharciyada kale ee la xariira, shuruudaha iyo sharciga Magaalada.  Wixii la xiriira codsiyada, su'aalaha, cabbashooyinka, ama macluumaad dheeraad la xariira Shaqaaleynta iyo Xuquuqda Rayidka, fadlan dib u eeg Sharciga Maamulka Illaha Shaqaalaha  2.0.1, Sharciga Fursada Simman/Ficilka Wanaagsan 2.0.2, Mamnuuciida Dhibaateynta Goobta Shaqada, Takooridda iyo Aargoosashada Xafiiska Shaqaalaha (qaybta Sharciyada Maamulka) ama la xariir Xafiiskeena Shaqaalaha adigoo wacayo 503.823.3572, TTY ee 503.823.6868, ama Adeega Isku wareejinta Oregon adigo wacaya 711.